Ururro iyo shaqsiyaad caan ah oo ka kala socda dalal ka Yurub ayaa bilaabay qorshe cusub oo lagu sameynayo bar-bulsho (social media platform) loona bixiyey W, taas oo noqon doonta mid Yurub u gaar ah kana duwan baraha waaweyn ee Mareykanka laga leeyahay.

Mashruucan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed, kuwa dijitaal ah, iyo murannada ku saabsan xogta iyo xorriyadda hadalka ee u dhexeeya Yurub iyo Mareykanka.
Bar-bulshada W waxaa lagu saleeyay fikrad ah in la helo madal ay ku kulmaan dad dhab ah, lagana fogaado akoonnada been-abuurka ah. Sidaas darteed, qof kasta oo isdiiwaangeliya waxaa laga doonayaa aqoonsi iyo xaqiijin sawir (identity and photo verification). Tani waxay ka dhigan tahay in W ay si gaar ah uga shaqeyn doonto hubinta in isticmaalayaashu ay yihiin dad run ah oo la garan karo.
Mashruuca W waxaa taageeraya guddi lataliye (advisory board) oo ay ku jiraan wasiirro hore, khubaro, iyo ganacsato, kuwaas oo intooda badan ka yimid dalka Iswiidhan. Agaasimaha guud ee W, Anna Zeiter, ayaa sheegtay in magaca W uu ka yimid erayga “We” (Annaga), taas oo muujinaysa wadajir, mas’uuliyad, iyo kalsooni bulsho. Waxay sidoo kale sharraxday in W uu ka kooban yahay laba tiir oo waaweyn kuwaas oo kala ah : Qiyam (Values) iyo La Xaqiijiyay (Verified).
Mid ka mid ah waxyaabaha W kaga duwan tahay baraha kale waa sida loo maamuli doono xogta isticmaalayaasha. Xogta W waxaa lagu kaydin doonaa Yurub gudaheeda, waxaana martigelin doona shirkado Yurub ah, iyadoo la adeegsanayo martigelin kala-go’an (decentralized hosting). Bar-bulshadu waxay si buuxda ugu hoggaansami doontaa sharciyada adag ee Midowga Yurub ee ilaalinta xogta (EU data protection laws), kuwaas oo si weyn loo tixgeliyo marka loo eego dalal badan oo kale.
Anna Zeiter ayaa sidoo kale ka digtay khatarta wararka been-abuurka ah (disinformation), kuwaas oo ay sheegtay inay wiiqayaan kalsoonida dadweynaha isla markaana ay daciifinayaan go’aan-qaadashada dimuqraadiyadeed (democratic decision-making). Sida ay sheegtay, Yurub waxay u baahan tahay bar-bulsho cusub oo lagu kalsoonaan karo, laguna dhisay qiyam cad, si loo ilaaliyo doodda furan iyo xorriyadda hadalka.
Zeiter waa khabiir ku takhasustay asturnaanta xogta (privacy expert), waxayna waqti dheer kasoo shaqeysay dhinaca teknoolojiyadda. In ka badan toban sano ayay ka shaqeysay shirkadda Mareykanka ah ee eBay, halkaas oo ay mas’uul ka ahayd ilaalinta xogta iyo Caqliga macmalka ah (Artificial Intelligence – AI). Waxbarashadeeda sare waxay ka qaadatay Jaamacadda Hamburg, halkaas oo ay ka heshay shahaadada PhD, kadibna waxay wax ka baratay Jaamacadda Stanford.
Dhanka sharciga, bar-bulshada W waxay hoos iman doontaa shirkad warbaahineed oo lagu magacaabo “We Don’t Have Time”, taas oo diiradda saarta wacyigelinta iyo tallaabooyinka la xiriira isbeddelka cimilada (climate action). Si kastaba ha ahaatee, kooxda W waxay ku kala sugan tahay dalal kala duwan oo Yurub ah, waxaana la qorsheynayaa in xafiisyo laga furo magaalooyinka Berlin iyo Paris.
Daah-furka W ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay Madasha Dhaqaalaha Adduunka (World Economic Forum) ee ka dhacdaya Davos. Tani waxay timid xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha u dhexeeya Yurub iyo Mareykanka, gaar ahaan kuwa la xiriira canshuuraha (tariffs), xeerarka dijitaalka ah, iyo doorka shirkadaha waaweyn ee teknoolojiyadda.
Midowga Yurub ayaa muddo dheer adkeynayay xeerarka lagu maamulo baraha bulshada, isagoo ku doodaya in ujeeddadu tahay ilaalinta isticmaalayaasha iyo kordhinta isla-xisaabtanka shirkadaha (platform accountability). Dhanka kale, qaar ka mid ah shirkadaha Mareykanka ayaa ku eedeeyay Yurub inay si gaar ah u beegsanayso isla markaana ay ku soo rogayso xannibaad.
Guud ahaan, bar-bulshada W waxaa loo arkaa isku day cusub oo Yurub ay ku doonayso inay ku yeelato madal dijitaal ah oo madax-bannaan, ku dhisan kalsooni, qiyam, iyo ilaalinta xogta, taas oo laga yaabo inay mustaqbalka beddesho sida ay Yurub u isticmaasho baraha bulshada.
