OpenAI ayaa soo bandhigtay adeeg cusub oo la yiraahdo ChatGPT Health, kaas oo loogu talagalay in dadka ay si gaar ah ugala hadlaan arrimaha caafimaadka iyo fayo-qabka Jidhkooda. Adeeggan cusub wuxuu siinayaa isticmaalayaasha meel u gaar ah oo ay su’aalo caafimaad ku weydiin karaan, si ka duwan wada sheekaysiyada kale ee caadiga ah.

Shirkaddu waxay sheegtay in malaayiin qof ay horey ChatGPT ugu adeegsan jireen su’aalo la xiriira caafimaadka iyo nolol-wanaagga. Sidaa darteed, ChatGPT Health waxaa loo sameeyay in wada hadallada caafimaadka loo kala sooco si aysan ula dhex gelin wada sheekaysiyada kale. Tani waxay ka caawinaysaa in xogta caafimaadka aysan si lama filaan ah uga soo muuqan doodaha kale ee ChatGPT.
Haddii qof uu bilaabo ka hadalka caafimaad meel ka baxsan qaybta Health, nidaamka caqliga macmalka ah (AI) ayaa ku dhiirrigelin doona isticmaalaha inuu u wareego qaybta gaarka ah ee Health, si wada sheekaysigu u noqdo mid habboon oo nidaamsan.
Inkasta oo ay wada sheekaysiyada kala duwan kala go’an yihiin, haddana ChatGPT Health wuxuu ka faa’iidaysan karaa macluumaad hore oo aad ChatGPT kula wadaagtay. Tusaale ahaan, haddii aad horey uga hadashay jimicsi ama orod, ChatGPT wuxuu xusuusan karaa arrintaas marka aad Health kaga hadleyso yoolalkaaga caafimaad ama tababarkaaga.
Adeeggan cusub sidoo kale wuxuu awood u yeelan doonaa inuu la xiriiro xogtaada caafimaad ee ku jirta barnaamijyada fayo-qabka sida (Apple Health), (MyFitnessPal), iyo (Function). OpenAI waxay caddeysay in wada sheekaysiyada ka dhaca ChatGPT Health aan loo adeegsan doonin tababarka moodellada caqliga macmalka ah (AI models).
Fidji Simo oo ah madaxa waaxda codsiyada ee shirkada OpenAI ayaa sheegtay in ChatGPT Health loogu talagalay inuu ka caawiyo xalinta dhibaatooyinka ka jira nidaamka daryeelka caafimaadka, sida qiimaha oo sareeya, helitaan adeeg oo xaddidan, dhakhaatiir aad u mashquulsan, iyo daryeel caafimaad oo aan joogto ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, khubaro badan ayaa ka digaya in ku tiirsanaanta chatbot-yada caqliga macmalka ah (AI chatbots) ee talo caafimaad ay keeni karto caqabado cusub. Moodellada luqadda waaweyn (Large Language Models – LLMs) ma fahmaan waxa run iyo been ah, balse waxay ku shaqeeyaan saadaalin jawaabta ugu macquulsan. Taas awgeed, mararka qaarkood waxay soo saari karaan macluumaad aan sax ahayn (hallucinations).
OpenAI ayaa sidoo kale shuruudaheeda ku caddeysay in ChatGPT aan loogu talagelin in lagu ogaado ama lagu daaweeyo cudurro, balse uu yahay qalab taageero iyo xog guud bixiya.
ChatGPT Health waxaa la filayaa in si tartiib tartiib ah loo daahfuro toddobaadyada soo socda, waxaana la rajeynayaa inuu noqdo aalad ka caawisa dadka fahamka guud ee caafimaadka, inkasta oo uusan beddel u noqon karin dhakhtar ama daryeel caafimaad oo rasmi ah.
