Cilmibaaris ka digtay Qalabka Teknoolojiyadda ee Jidhka lagu Xidho!

Cilmi-baaris ay sameeyeen Jaamacadda Cornell iyo Jaamacadda Chicago laguna daabacay jariirada Nature ayaa ka digtay cawaaqib xumo ay keeni karaan qalabka la xidho.

Qalabka caafimaadka ee la xidho ayaa noqday qayb muhiim ah oo ka mid ah nolosha casriga ah ee aynu ku haysano dunida guud keeda. Maanta, dad badan ayaa isticmaala qalab cabbira sonkorta dhiigga, cadaadiska dhiigga, garaaca wadnaha iyo dhaqdhaqaaqa jirka, qalabkani waxa uu qofka ka caawiyaa in uu si dhow ula socdo caafimaadkiisa, isla markaana uu tallaabo degdeg ah qaado marka isbeddel ku yimaado jidhkiisa.

Bandhigyada waaweyn ee teknoolojiyadda caalamka, sida bandhigga CES, shirkado badan ayaa si joogto ah u soo bandhiga qalab caafimaad oo cusub oo la xidho. Horumarkani waa mid rajo leh, balse dhinac kale oo aan si weyn loo hadal hayn ayaa jira, kaas oo ah saamaynta qalabkan uu ku yeelan karo deegaanka mustaqbalka dhow iyo kan dheerba.

Cilmi-baaris cusub ayaa muujisay in baahida qalabka caafimaadka ee la xidho ay si weyn u kordhi karto sannadaha soo socda, marka la eego xawaaraha uu suuqu u korayo, waxa la saadaalinayaa in mustaqbalka malaayiin ilaa balaayiin qalab la soo saari doono sanad kasta.

Haddii qalabkan la isticmaalo muddo gaaban kadibna la tuuro, waxa ay keeni karaan qashin elektaroonig ah (e-waste) iyo qiiq kaarboon oo waxyeello u leh deegaanka.

Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dhibaatadu aanay inta badan ka iman caagga ama daboolka qalabka. Qaybta ugu khatarta badan waa looxa elektaroonigga ah (PCB), oo ah maskaxda qalabka. PCB-ga ayaa u baahan biro qaali ah sida dahab, silikoon iyo biro dhif ah, kuwaas oo soo saaristoodu u baahan tahay tamar badan isla markaana si toos ah u dhaawacda deegaanka.

Si loo yareeyo khatartan, cilmi-baarayaashu waxay soo jeediyeen xalal wax ku ool ah. Mid ka mid ah waa in la isticmaalo biro caadi ah sida naxaasta halkii laga isticmaali lahaa biro dhif ah.

Xalka kale waa in qalabka loo sameeyo qaab qaybo kala go’an (modular), si marka qayb ka mid ah ay xumaato aan qalabka oo dhan loo tuurin, balse la beddelo qaybta kaliya ee dhibaatadu ka jirto. Sidoo kale, dib-u-isticmaalka PCB-ga ayaa si weyn u yarayn kara qashinka elektaroonigga.

Mid ka mid ah cilmi-baarayaasha ayaa tilmaamay in marka qalabkan ay noqdaan kuwo si ballaaran loo isticmaalo, xitaa go’aannada yaryar ee naqshadeynta ay isu beddeli karaan saameyn weyn oo guud.

Gunaanad ahaan, qalabka caafimaadka ee la xidho waa horumar muhiim ah oo badbaadin kara nolosha dad badan, dhanka kalana sida ay cilmibaarayaashu shegeen waxay sabab u noqon karaan waxyeelo degaan oo weyn.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top