
Akhristoow hadii aadan horay u maqal Grok waa barnaamij casri ah oo ku shaqeeya Caqliga Macmalka ah (Artificial Intelligence), waxaana loogu talagalay in uu dadka ka caawiyo helidda xog, ka jawaabidda su’aalaha, qorista qoraallo, iyo fahamka arrimo badan oo kale.
Grok waxa uu u shaqeeyaa qaab wadahadal ah ama waxa loo yaqaan afka qalaad (chatbot), taas oo ka dhigan mid isticmaaluhu si dabiici ah ula hadli karo, una weydiin karo su’aalo ka dhex guuxaya. Waxa Grok ka sooca barnaamijyada kale ee Caqliga Macmalka ah ayaa ah in uu si toos ah ugu xiranyahay barta X ee horay loo oran jiray (Twitter), taas oo u suuragelinaysa inuu ka faa’iideysto xog cusub oo waqtigeeda ah ama (real-time data).
Grok waxaa sameeyay shirkad lagu magacaabo X-AI, waana shirkad diiradda saarta horumarinta Caqliga Macmalka ah ee heer kiisu sareeyo. Shirkaddan waxaa aasaasay maal qabeen ka aad wada taqanaan ee Elon Musk, oo caan ku ah shirkado waaweyn sida Tesla iyo SpaceX.
Ujeeddada X-AI ayaa ahayd in la abuuro Caqli Macmal ah oo si xor ah u fikiraya, si toos ahna uga jawaaba su’aalaha adag, isla markaana leh faham qoto dheer oo ka duwan barnaamijyada kale ee jira. Taasi waa sababta Grok mararka qaar loogu arko mid hadalkiisu toos yahay, kana duwan caawiyeyaasha kale ee dijitaalka ah.

Tan iyo markii la soo bandhigay Grok, waxa uu soo maray noocyo kala duwan ama (versions) oo horumar ah. Noocyadii ugu horreeyay, sida Grok-1, waxay ahaayeen kuwo aasaasi ah, balse awood u leh fahamka su’aalaha guud iyo bixinta jawaabo macquul ah.
Kadib waxaa la soo saaray Grok-1.5, kaas oo lagu xoojiyay fahamka qoraallada dheer, falanqaynta xogta, iyo jawaabo ka saxsan kuwii hore. Horumarkan ayaa Grok ka dhigay mid si tartiib ah ula jaanqaada barnaamijyada kale ee waaweyn ee Caqliga Macmalka ah.
Markii dambe, Grok-2 ayaa la soo bandhigay, wuxuuna keenay horumar weyn, gaar ahaan dhinaca fahamka sawirrada (image understanding) iyo awoodda uu u leeyahay falanqaynta xog isku dhafan.
Isla waqtigaas, waxaa la sameeyay nooc loo bixiyay Grok-2 Mini, kaas oo ah nooc ka fudud, kana dheereeya kan caadiga ah, laguna talagalay isticmaalka maalinlaha ah. Noocan Mini ah waxa uu ku habboon yahay dadka raba jawaabo degdeg ah iyada oo aan loo baahnayn awood aad u culus.
Sannadkii xigay, Grok-3 ayaa la soo saaray, wuxuuna noqday mid aad u horumarsan marka loo eego kuwii hore. Grok-3 waxa uu lahaa awood fikir taas oo qoto dheer, raadinta xog ballaaran (deep search), iyo falanqayn ku habboon cilmi-baaris, waxbarasho, iyo shaqooyin aqoon sare leh. Noocan ayaa Grok ka dhigay mid si dhab ah ula tartama barnaamijyada kale ee caanka ah ee Caqliga Macmalka ah sida Chatgpt, Deepseek iyo Google Gemini.
Noocyada ugu dambeeyay ee Grok, sida Grok-4, ayaa loo tixgeliyaa kuwa ugu awoodda badan ilaa hadda. Grok-4 waxa uu si fiican u fahmaa macnaha hadalka, ujeeddada su’aasha, iyo duruufaha ku xeeran wadahadalka. Waxaa sidoo kale jira noocyo kale sida Grok-4 Heavy, oo loogu talagalay hawlo aad u culus oo u baahan xisaabin iyo falanqayn ballaaran (advanced processing), iyo Grok-4 Fast, oo diiradda saaraya xawaare sare iyo adeeg degdeg ah. Kala duwanaanshahan noocyada ah waxa uu ka dhigayaa Grok mid dabooli kara baahiyo kala duwan.
Sidee loo isticmaalaa Grok AI?
Grok waxaa loo heli karaa siyaabo kala duwan:
- Booqo barta rasmiga ah ee Grok.com
- Waxaad ka isticmaali kartaa App-ka Grok Android iyo iOS labadaba.
- Sidoo kale waxaa laga isticmaali karaa barnaamijka X (Twitter) haddii aad leedahay rukhsad Premium ama Premium+.
Guud ahaan, Grok waa tusaale cad oo muujinaya sida Caqliga Macmalka ah u kobcayo uguna sii dhex milmayo nolosha casriga ah. Waa barnaamij isku dara teknoolojiyad horumarsan, fikrad ganacsi, iyo aragti mustaqbal oo fog. Sababtaas awgeed, Grok waxa uu noqday mid si degdeg ah u soo jiitay dareenka dadka xiiseeya tiknoolajiyadda, warbaahinta, iyo horumarka Caqliga Macmalka ah.
