Warar laga helayo ilo warbaahineed caalami ah ayaa sheegaya in shirkadda Meta ay heshiis iibsi ah la gaartay shirkad tignoolajiyadeed oo ku takhasustay Caqliga macmalka ah (AI), taas oo lagu magacaabo Manus. Qiimaha heshiiskan ayaa lagu qiyaasayaa ku dhowaad laba bilyan oo doolar.

Manus waa shirkad laga aasaasay Singapore, waxaana dhisay ganacsato hore oo asal ahaan ka soo jeeda Shiinaha. Shirkaddu waxay si weyn caan u noqotay kadib markii baraha bulshada uu ku faafay muuqaal muujinayay AI awood u leh inuu qabto hawlo kala duwan, sida wareysiyada shaqo, talo bixinta xirfadeed iyo falanqaynta suuqa saamiyada.
Bilihii u dambeeyay, Manus waxay shaacisay horumar dhaqaale oo ballaaran, iyadoo sheegtay in dakhligeeda sanadlaha ah uu ka gudbay boqol milyan oo doolar, isla markaana ay adeeggeeda isticmaalaan malaayiin qof. Adeegyada shirkaddan ayaa lagu bixiyaa qaab rukumo bille ah, kuwaas oo qiimahoodu u dhexeeyo ku dhowaad afartan doolar ilaa ku dhowaad laba boqol oo doolar.
Meta ayaa sheegtay in inkastoo ay la wareegayso Manus, haddana shirkaddu sii ahaan doonto mid si madaxbannaan u shaqeysa. Si kastaba ha ahaatee, farsamooyinka AI ee Manus ayaa si tartiib tartiib ah loogu dari doonaa barnaamijyada waaweyn ee Meta sida Facebook, Instagram iyo WhatsApp.
Dhinaca kale, heshiiskan ayaa dhaliyay dood siyaasadeed oo ka socota gudaha Mareykanka, taas oo la xiriirta asalka aasaasayaashii Manus. Meta ayaa arrintaas ka jawaabtay, iyadoo caddeysay in shirkaddu aysan mustaqbalka ku yeelan doonin wax xiriir ganacsi ama milkiyadeed oo la xiriira Shiinaha.
