Shirkadda caalamiga ah ee Apple ayaa markale soo saartay cusboonaysiin amni (security update) oo aad muhiim u ah, taas oo si toos ah u khusaysa isticmaaleyaasha qalabkeeda kala duwan sida iPhone, iPad, Mac, Apple Watch, iyo waliba Apple TV.
Cusboonaysiintan cusub ma aha mid caadi ah, balse waa mid degdeg ah oo lama huraan ah, sababtoo ah waxay xiraysaa daldaloolo amni oo khatar weyn ku ahaa malaayiin isticmaaleyaal ah oo dunida dacaladeeda ku sugan.
Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay mareegta caanka ah ee Bleeping Computer, Apple waxay hagaajisay laba daldalool amni oo halis ah (zero-day vulnerabilities), kuwaas oo horey u ahaa kuwo ay si joogto ah u isticmaalayeen burcad internet (hackers).
Daldalooladana waxaa lagu aqoonsaday lambarradan hoose:
- CVE-2025-43529
- CVE-2025-14174
Erayga zero-day wuxuu tilmaamayaa dhibaato amni oo la ogaaday iyadoo aan weli la helin wax difaac ah, taasoo ka dhigaysa mid aad u khatar badan.
Halista Ay Daldalooladani Leeyihiin maxay tahay?
Haddii qalabka Apple aan la cusboonaysiin, daldalooladan amni waxay u oggolaan karaan weeraryahannada in ay:
- Galaan qalabka iyaga oo aan wax oggolaansho ah ka haysan isticmaalaha (unauthorized access)
- Xadaan xogta shakhsiga ah sida sawirro, farriimo iyo akoonno (data theft)
- Ku rakibaan barnaamijyo waxyeello leh (malware installation)
- Si qarsoodi ah u la socdaan isticmaalaha (spying & surveillance)
Noocyada Cusboonaysiinta Ee La Helayo ama hada diyaarka ah:
Apple waxay soo saartay cusboonaysiinno kala duwan si ay u daboolaan dhammaan qalabkeeda. Nooca ugu weyn ee hadda la heli karo waxaa lagu magacaabaa Version 26.2, balse sidoo kale waxaa jira noocyo kale oo ay ka mid yihiin:
- iOS 18 iyo iPadOS 18 (18.7.3) Oo loogu talagalay iPhone iyo iPad
- macOS Sonoma (14.8.3) Waa kombiyuutarrada Mac ee hore
- macOS Sequoia (15.7.3) Waa nooca cusub ee Mac OS
- Cusboonaysiinno gaar ah oo loogu talagalay Apple Watch, Apple TV iyo sidoo kale Apple Vision Pro.
Talooyin Muhiim Ah Oo Loo Jeedinayo Isticmaaleyaasha
Haddii aad isticmaalayso qalab Apple ah, waxaa lagula talinayaa:
- Inaad si joogto ah u hubiso cusboonaysiinta (check for updates)
- Isha ku hay Updates ka cusub ee soo baxa kuna rakibto isla marka ay soo baxdo (install immediately)
- aad ugu dadaal in aadan isticmaalin Wi‑Fi aan la hubin (public Wi‑Fi)
- Ku taxadar mar walba isticmaal ka nooca ugu dambeeya ee nidaamka (latest software)
Cusboonaysiinta qalabkaaga waxay si weyn u yareyneysaa khatarta weerarrada internetka waxayna kordhisaa ammaanka dijitaalka ah (digital security).
Gunaanadkii:
Cusboonaysiinta amniga ee ay Apple soo saartay waa digniin cad oo muujinaysa sida ay muhiim u tahay in qalabka casriga ah la ilaaliyo. Isticmaaleyaasha aan cusboonaysiin qalabkooda waxay halis u yihiin weerarro amni oo culus.
Somalisidor.com kala soco had iyo goor wararkii ugu dambeeyay ee Technology ga.
