Daawade, kawaran haddii adiga oo ku hadla hal luuqad oo keliya, ay Teknolojiyada casriga ah kuu suurtageliso inaad fahanto ama ku hadasho in ka badan 70 luuqadood? Arrintan maanta riyo ma aha, balse waa xaqiiqo ay shirkadda Google dunida u soo bandhigtay.
Shalay ayay ahayd markii shirkadda Google ay si rasmi ah u soo bandhigtay adeeg cusub oo aad u horumarsan, kaas oo kuu oggolaanaya inaad maqasho turjumaad toos ah (Live Translation) adigoo xiranaya sameecadaha dhegaha ee caadiga ah (Headphones), adigoon u baahnayn qalab gaar ah.
Adeeggan cusub ayaa lagu daray barnaamijka caanka ah ee ay dad badani isticmaalaan, kaas oo ah (Google Translate). Adeeggu wuxuu kaa caawinayaa inaad fahamto hadalka luuqado kale ku baxaya isla waqtigaas, si toos ah (Live), adigoo aan sugin turjumaad qoraal ah.
Sidee Ayuu Adeeggani U Shaqeeyaa?
Tusaale ahaan, bal qiyaas inaad joogto maqaaxi ay fadhiyaan dad ku hadlaya luuqadda Shiinaha (Chinese), adiguna aadan fahmin waxa ay ka sheekaysanayaan. Haddii aad rabto inaad fahanto hadalkooda, waxa kaliya ee aad samaynaysaa waa:
- Inaad furto barnaamijka (Google Translate)
- Inaad doorato adeegga (Live Translate)
- Inaad xirato sameecadaha dhegaha (Headphones)
Markaas kadib, hadalka ay ku hadlayaan luuqadda Shiinaha ayaa si toos ah looguugu turjumayaa luuqaddaada hooyo, adigoo maqlaaya turjumaadda isla waqtigaas. Tani waa mid ka mid ah horumarka degdegga ah ee ay Teknolojiyadu (Technology) ku socoto maanta.
Halkee Ayuu Hadda Ka Shaqeeyaa?
Adeeggan cusub ee (Live Translate) ayaa hadda laga heli karaa saddex waddan oo kala ah:
- Mareykanka (United States)
- Mexico
- Hindiya (India)
Google ayaa sheegtay in adeeggan uu hadda awood u leeyahay inuu turjumo ilaa 70 luuqadood, taas oo ka dhigaysa mid wax weyn ka beddeli kara isgaarsiinta dadka dunida ku nool.
Faa’iidada Uu U Leeyahay Bulshada
Adeeggan cusub ee (Google Translate) wuxuu si weyn dadka uga caawinayaa inay si fudud isu fahmaan, xitaa haddii ay ku hadlaan luuqado kala duwan. Waxay faa’iido weyn u leedahay:
- Safarrada (Travel)
- Ganacsiga (Business)
- Waxbarashada (Education)
- Dalxiiska (Tourism)
Ugu dambayn, horumarkan cusub wuxuu caddeyn u yahay in Teknolojiyadu (Technology) ay si xawli ah u horumareyso, islamarkaana ay dunida ka dhigayso meel ay dadka si fudud ugu wada xiriiri karaan, iyada oo aan luuqaddu caqabad noqon.
