Shirkadda tiknoolajiyada weyn ee Microsoft ayaa ku dhawaaqday in ay joojisay qaar ka mid ah adeegyo ay siin jirtay ciidamada Israel. Go’aankani waxa uu yimid kadib baaris madax-bannaan oo muujisay in adeegyada shirkaddu loo adeegsanayay mass surveillance (kormeer ballaaran) oo ka dhan ah shacabka Falastiin, gaar ahaan Gaza iyo West Bank.
Warbixin wadajir ah oo ay daabaceen The Guardian (UK), +972 Magazine iyo Local Call ayaa bishii August shaacisay in militariga Israel uu adeegsanayay Microsoft Azure cloud platform iyo AI tools si loo ururiyo xog ballaaran oo ku saabsan shacabka Falastiin. Tani waxay dhacday iyadoo dagaalka Gaza uu sababay dhimashada ku dhawaad 65,000 qof muddo ka yar laba sano.
Bilihii u dambeeyay, Microsoft waxa ay shaqada ka eriday shaqaale dhowr ah oo ka horyimid sida shirkaddu u adeegsanayso technology-ga ay bixiso. Qaar kale ayaa shaqada iskood uga tagay, iyagoo ku eedeeyay shirkadda in ay si toos ah u taageerto weerarrada Israel.
Inkasta oo shirkaddu horey u diidday eedeymahaas, haddana waxa ay qiratay in ay amartay baaris madax-bannaan. Baaristan waxaa sameeyay Covington & Burling LLP law firm oo fadhigeedu yahay Washington DC iyo hay’ad farsamo oo aan magaceeda la shaacin.
Natiijada baarista ayaa keentay in shirkaddu si rasmi ah u hakiso adeegyo ay ka mid yihiin Azure cloud services iyo AI solutions oo ay adeegsanayeen militariga Israel.
Madaxweyne ku xigeenka shirkadda, Brad Smith, ayaa qoraal uu u diray shaqaalaha ku sheegay in go’aankan lagu salaynayo caddeymo dhab ah oo laga helay baarista. In kasta oo uusan faahfaahin badan bixinin, Smith wuxuu sheegay in arrintu si toos ah ula xiriirtay isticmaalka Azure iyo AI systems.