TikTok waxay shaacisay Xeerar Bulsho oo cusub ( New Community Guidelines) kuwaas oo dhaqan geli doona 13-ka Sebtembar 2025. Ujeeddada xeerarkan waxay TikTok ku micnaysay in Alada TikTok noqoto meel amni ah, madadaalo leh, isla markaana dadka lagu dhiirrigeliyo hal-abuur (creativity) iyo wadaagis farxad.
TikTok waxay rabtaa in dadka isticmaala ama wax kusoo gudbiya ay si xor ah ugu muujiyaan fikradahooda iyo hal-abuurkooda, laakiin waa in lagu dheehaa xushmad iyo akhlaaq, aalada TikTok horay waxay ulahayd xeerar la mid ah kuwan balse xeerarkan cusub ayaa ah kuwo aad loo adkeeyay cidii ka talowdana TikTok waxay ugu hanjabtay inay talaabo deg deg ah ka qaadi doonto.
Maxaa Ka mid ah sharciyada cusub ee TikTok soo kordhisay?
- Rabshad iyo Dembi (Violent and Criminal Behavior):
Tusaale: Haddii qof muuqaal ku dhiirrigeliyo dagaal ama uu baro sida wax loo gubo ama loo dilo, waa mamnuuc. - Hadalo Nacayb ah (Hate Speech):
Tusaale: In qof lagu caayo diin ama qabiil uu ka soo jeedo, ama Koox uu taageero iyo wixii lamid ah waa Mamnuuc. - Kooxo Rabshad Wadayaal ah (Violent and Hateful Organizations):
Tusaale: Haddii koox xagjir ah ama urur dembiileyaal ah la taageero ama la faafiyo, waa mamnuuc. - Xadgudubka Carruurta (Youth Abuse):
Tusaale: In carruur lagu tuso muuqaallo qaawan ama loo adeegsado ujeeddo xun, waa mamnuuc. - Xadgudubka Dadka Waaweyn (Adult Abuse):
Tusaale: In dadka waaweyn laga duubo ama ay iyaguba iska dubaan muuqaal ka tarjumaya kufsi ama ka faa’iidaysi jinsiyeed , waa mamnuuc. - Tahriibinta iyo Ka Ganacsiga Dadka (Human Trafficking):
Tusaale: Muuqaallo lagu dhiirrigelinayo tahriibka sharci darrada ah, waa mamnuuc. - Caga-jugleyn iyo Aflagaaddo (Harassment and Bullying):
Tusaale:- Waxaad dhaliili kartaa siyaasi adigoo ka hadlayo siyaasaddiisa – waa la oggol yahay.
- Laakiin haddii aad aflagaaddo muuqaal ahaan u geysato qofkaas ama hanjabaad u dirtid – waa mamnuuc.
- Warar Been ah (Misinformation):
Tusaale: Haddii qof ku faafiyo war been ah oo sheegaya in cudur la daweyn karo iyadoo la cabbo kiimiko khatar ah , waa mamnuuc. Taas waxaa la mid ah dadka ka ganacsada daawooyinka la isku cadeeyo ama qasqaska waxyabaha ay soomalidu utaqaan. - Doorasho Marin habaabin (Election Integrity):
Tusaale: Haddii muuqaal sheegayo in codeyntu u baahan tahay lacag bixin ama dadka qaar aan la oggolayn inay codeeyaan, waa mamnuuc. - Ka Ganacsiga Alaabo Sharci-darro ah (Regulated Goods):
Tusaale: Iibinta daroogo ama hub sharci darro ah – waa mamnuuc. - Xadgudubka Xoolaha (Animal Abuse):
Tusaale: In lasoo gasho muqaal qof si ula kac ah u jirdilaya xoolo – waa mamnuuc.