Gaadiidka iskiis u socda ee ku shaqeeya Caqliga macmalka (AI) ayaa bilaabay inay muujiyaan dabeecado lamida kuwa Aadanaha oo kale. Mararka qaar waxay garaacaan ama tumaan hoonka, waxay sameeyaan leexashooyin degdeg ah, mararka qaarkoodna si tartiib ah ayey uga gudbaan calaamadaha joojinta. Inkasta oo qaababka qaarkood sharci ahaan aaysan sax ahayn, haddana qaar kale waxay ka qayb qaataan in taraafikadu si hufan u socoto oo a sii kordhiso badbaado dhanka gaadiidka ah.
Tusaale ahaan, nidaamka Shadow Mode ee shirkadda Tesla wuxuu si qarsoodi ah ula socdaa sida darawallada aadanaha u kaxeeyaan, kadibna xogtan ayuu u adeegsadaa horumarinta nidaamka iskiis u socda. Jonathan Davenport, oo ka tirsan shirkadda cilmi-baarista ee Gartner, wuxuu sheegay in tani ay keento su’aal muhiim ah: “ma haboon tahay in AI gu kudeydo dhamaan darawalada mise waxaa haboon inii ku deydo kuwa fiican oo kaliya”?
Wadista kalsoonida leh, go’aan qaadasho sax ah iyo fahamka taraafikada waa dabeecado fiican oo la baran karo, laakiin xadgudub xawaare ama in si buuxda aan loo istaagin calaamada joogsashada waa wax aan sharci ahayn. Sidaas awgeed, waxaa muhiim ah in AI-ga lagu hago inuu baabuurta u wado sida darawalka ugu fiican ee aan khaladaadka badnayn.
Shirkadda Waymo ayaa hormuud u ah horumarinta gaadiidka noocan ah. Waxayna ku hawlan tahay in ka badan 1,500 oo gaari oo Robottaxi ah oo ka shaqeeya shan magaalo oo waaweyn. Nidaamkeeda Caqliga Macmalka ah ee Waymo Driver wuxuu ka faa’iidaystaa boqolaal milyan oo mayl oo lagu tijaabiyay waddooyinka dhabta ah iyo balaayiin kale oo lagu imtixaamay kombuyuutarka. Teknoolajiyadani waxay u saamaxdaa inuu fahamo deegaanka ku hareeraysan, saadaaliso dhaqanka darawallada kale, isla markaana si nabdoon uu uga gudubo xaalado kala duwan oo taraafik ah.
William Riggs, oo ah borofisar ku takhasusay qorsheynta magaalooyinka iyo gaadiidka, ayaa sheegay inuu arkay isbeddel muuqda. Isagoo dhowr jeer toddobaad kasta raaca baabuurta Waymo, ee kaligood is wada wuxuuna sheegay inay hadda ku socdaan si dabiici ah oo kalsooni leh, isla markaana ay ka falceliyaan taraafikada mashquulka ah xitaa iyagoo garaaca ama tuma hoonka marka la xannibo.
David Margines, oo ka tirsan maamulka Waymo, ayaa sheegay in nidaamkoodu isticmaalo hoonka, sida m ay darawallada caadiga ahi u arkaan inay ku habboon tahay xiliga hoonka la yeerin karo . Tusaale ahaan, waxaa jiray muuqaal kameradaha qarsooni duubeen kaas oo muujinaya baabuur Waymo ah oo aan cidi wadin xili uu marayay magaalada San Francisco kaas oo hoonka ku garaacay gaari kuwa qashin ka qaada ah kadibna dib uga laabtay si uu fursad u siiyo gaarigii qashinlaha ahaa, ka dibna markii uu garigii gudbay wuxuu si badbaado iyo amni ah ugu sii socday jidkiisi.
Sida uu sheegay Davenport, horumarka AI-ga ee Baabuurta kaligood iswada waxaa lagu arkaa saddex calamadood oo muhiim u ah dhanka wado marista:
- Kalsooni Weyn – AI-gu wuxuu si go’aan leh uga qayb qaataa taraafikada.
- La-qabsasho – wuxuu fahmaa dhaqanka wadista ee deegaanka uu ku shaqaynayo.
- Isgaarsiin cad – wuxuu adeegsadaa calaamado iyo nalal u sheegaya gaadidka kale in gaarigani kaligii socdo.
Waymo waxay sheegtay in darawalkooda AI-gu uu ka sii fiican yahay ka bini’aadamka marka la eego badbaadada, sababtoo ah:
- Wuxuu si deggan uga qayb qaataa xaaladaha isdaba-joogga ee calaamadaha joojinta.
- Wuxuu si fudud ugu biiraa taraafikada isagoo saadaalinaya dhaqanka gaadiidka kale.
- Wuxuu ka leexdaa caqabadaha isagoo masaafo ammaan ah ilaalinaya.
Margines wuxuu intaas ku daray in horumarkan lagu gaaray iyadoo la fahmay sida dadka deegaanka u kaxeeyaan, balse weli lagu adkaysanayo heerar adag oo badbaado.