Shirkadda Tesla ayaa go’aansatay inay si rasmi ah u joojiso mashruuceedii Dojo, sida uu ku warramay wargeyska Bloomberg. Mashruucan ayaa horey ugu jiray qorshayaal muhiim ah oo Tesla ku doonaysay inay ku horumariso chippyada u gaar ah iyo kombiyuutar aad u awood badan oo loo adeegsan lahaa teknoolojiyadda gaadiidka iskiis u socda (autonomous driving).
Hoggaamiyihii mashruucan Peter Bannon, ayaa gabi ahaan ba iskaga tagay shirkadda Tesla, halka kooxdii kala shaqaynaysay mashruucan lagu wareejiyey mashaariic kale oo la xiriira xisaabinta iyo xog ururinta.
Go’aankan ayaa yimid kaddib markii ku dhowaad 20 shaqaale oo ka tirsan mashruuca Dojo ay ka tageen Tesla si ay u aas-aasaan shirkad cusub oo AI ku shaqaysa oo la yiraahdo Density AI. Shirkaddan cusub waxaa dhisay Ganesh Venkataramanan, oo horey u ahaa madaxa Dojo iyo laba ka mid ah shaqaalihii Tesla: Bill Chang iyo Ben Floering.
Density AI waxay diiradda saareysaa samaynta chippyada, qalabka (hardware) iyo barnaamijyada (software) ka loogu talagalay ee xarumaha AI-da ee loo adeegsado dhinacyada robotics-ka, caawiyeyaasha sirdoonka macmalka ah (AI agents), iyo teknoolojiyadda gaadiidka.
Tallaabadan cusub waxay muujinaysaa in Tesla ay beddeshay istaraatijiyaddeedii hore ee dhinaca AI. Mashruuca Dojo ayaa mar ahaa tiir muhiim ah oo Elon Musk uu ku sheegay inuu yahay furaha looga maarmi karo wadde baabuur laguna hir galin karo baabuur iskiis isku wada. Dojo Waa kombiyuutar aad u awood badan oo Tesla u dhistay in uu xogta fiidiyowyada ka timaadda baabuurta iskiis u socda (autonomous cars) si degdeg ah oo hufan u falanqeeyo ama u baadho.
Tesla waxay hadda u muuqataa inay si weyn ugu tiirsanaan doonto shirkado kale oo la tacaala teknoolojiyadda, sida Nvidia, AMD iyo Samsung. Bishii Luulyo, Tesla waxay heshiis 16.5 bilyan oo doollar ah la saxiixatay Samsung si loo soo saaro chip cusub oo la yiraahdo AI6. Chip-kan ayaa loo qorsheeyay in lagu adeegsado teknoolojiyadda gaadiidka iskiis u socda, robotka Optimus, iyo tababarrada AI-da ee lagu qabto xarumaha xogta (datacenters).