OpenAI, shirkadda hormuudka u ah horumarinta caqliga macmalka ah ee losoo gaabiyo (AI), ayaa si rasmi ah uga shaqeyneysa nooca xiga aaladda caanka ah ee ChatGPT4 – kaasoo noqonaya GPT-5.
Maxaa Ka Dhigay GPT-5 Mid Gaar Ah?
GPT-5 waxaa lagu wadaa inuu beddelo GPT-4, oo ah nooca hadda aadka loo isticmaalo. Waxa lagu dhisayaa tiknoolajiyad cusub oo lagu darayo waxyaabo uusan horay ulahayn GPT-4 Waxaana ugu muhiimsan 3 dan waxyaabood:

- Qaab waxyaabo badan fahmaya (multimodal): GPT-5 wuxuu awood u yeelan doonaa inuu si fiican u fahmo oo u maareeyo qoraal, sawir, cod iyo xogaha kale ee isku dhafan.
- Feker qoto dheer iyo go’aan gaaris (reasoning): Waxaa lagu darayaa awood uu si qoto dheer wax uga fakaro, taasoo ka dhigaysa mid ka caqli badan noocyadii hore ujiray.
- Isku-darka labada taxane – GPT iyo o-series: Noocyadan cusub waxaa lagu dhisi doonaa iyadoo la isku darayo tignoolajiyada GPT oo aadka u fahamsan qoraalka, iyo o-series oo xoogga saara fikir ka iyo xisaabin heer keedu sareeyo.
Maxaa Lagu Arkay Koodhka Cusub ee GPT-5?
Wararka ugu dambeeyay ayaa sheegaya in GPT-5 laga helay raadad cad oo ku jira koodh ay leedahay OpenAI. Qaybta la helay waxaa loogu magac daray:
gpt-5-reasoning-alpha-2025-07-13, taasoo muujinaysa in noocan uu yahay tijaabo hore oo ku saabsan awoodda fakarka ee GPT-5.
Sidoo kale, waxaa si sir ah loo sii daayay nooc tijaabo ah oo cusub oo ka tirsan “o3”, taasoo la rumeysan yahay inay qeyb muhiim ah ka noqon doonto GPT-5.
Maxay Tani Ka Dhigan Tahay?
Haddii GPT-5 u shaqeeyo sidii la qorsheeyay, waxaa suurtagal ah in chatbot-yada iyo barnaamijyada caqliga macmalka ah ay gaaraan heerar hor leh oo aan horay loo gaarin taas oo ka dhigan in GPT-5 uu noqon karo tillaabadii ugu weynayd ee AI-gu qaaday tan iyo bilaabashadiisa.
Wixii soo kordha kala soco qoraaladayada dambe.
