Shirkadda caanka ah ee Apple ayaa mar kale lagu wadaa inay soo bandhigto qalabyo casri ah xilliga dayrta 2025. Khabiirka teknoolojiyadda ee Bloomberg, Mark Gurman, ayaa sheegay in Apple ay u badan tahay inay qabato bandhigga sannadlaha ah ee alaabteeda cusub 9-ka ama 10-ka Sebtembar ee sanadkan. Wuxuu taas ku saleynayaa daraasad uu ku sameeyay taariikhda tobanka sano ee la soo dhaafay ee shirkaddu ku dhawaaqday qalabkeeda cusub.

Waxaa si gaar ah loo xusay in maalinta 11-ka Sebtembar aan la dooran doonin maadaama ay tahay sannad-guuradii weerarradii argagixiso ee dhacay 2001, kuwaas oo sababay dhimashada 2,996 qof.
Sanadkan, Apple waxay qorsheyneysaa inay ku soo kordhiso suuqa dhowr nooc oo iPhone ah. Waxa ugu weyn ee la hadal hayo waa:
- iPhone 17
- iPhone 17 Pro
- iPhone 17 Pro Max
- iPhone 17 Air – nooc cusub oo aad u dhuuban, loogana dan leeyahay inuu beddelo iPhone Plus
Nooca iPhone 17 Air ayaa ah mid si gaar ah loo eegayo, maadaama uu noqonayo noocii ugu dhuubnaa ee Apple abid soo saarto. Waxaa la rajeynayaa in uu yeesho naqshad cusub, miisaan fudud, iyo isdhexgal cusub oo isticmaale-saaxiibtinimo leh.
Intaa waxaa dheer, Apple waxa ay sidoo kale la imaan doontaa Apple Watch Series 11, taas oo la filayo in lagu daro sifooyin cusub oo la xiriira caafimaadka, tamarta batteriga oo sii jirta muddo dheer, iyo casriyeyn muuqaal ahaan ah.
Shirkadda Apple waxay si joogto ah u heshaa dareenka caalamka marka ay soo bandhigeyso qalabkeeda cusub, waxaana sanadkan la saadaalinayaa in la arko isbeddel weyn, gaar ahaan marka la eego tartanka sii kordhaya ee kala dhexeeya shirkadan Apple shirkadaha kale ee dhigeeda ah.
Kala soco Somalisidor.com wixii warar ah ee la xiriira bandhigga Apple iyo faahfaahin buuxda oo ku saabsan qalabka cusub marka la shaaciyo.