Digniin Amni oo Ku Saabsan Baabuurta Mercedes-Benz, Volkswagen iyo Skoda!

Haddii aad leedahay ama Darawal katahay baabuur ay soo sareen shirkadaha kala ah Mercedes-Benz, Volkswagen iyo Skoda, waxaa muhiim ah in aad feejignaato. Waayo waxaa la ogaaday in baabuurta shirkadahaas qaar ka mid ah laga helay khaladaad (ama daldaloolo) dhanka Bluetooth-ka, taasoo fududeyn karta in burcad internet ah (hackers) ay baabuurkaaga si fudud u jabsan karaan.

Khatarahan waxay salka ku hayaan afar daldaloolo amni ah oo laga helay nidaamka Bluetooth-ka, kuwaas oo lagu aqoonsaday koodhadhka kala ah {CVE-2024-45434,} {CVE-2024-45433} iyo {CVE-2024-45432}. Waxaana arinkan shaacisay koox khubaro amniyeed ah oo ka tirsan shirkadda PCA Cyber Security, waxayna khubradu ugu baqeen shirkadaha baabuurtan sameeyaa inay dib u cusboonaysiiyaan {Update} baabuurtooda si ay uga badbaadaan werarada noocan oo kale ah.

Maxay burcadda samayn karaan hadii ay jabsadaan Bluetooth-ka Baabuurkaaga?

Haddii baabuurkaaga uu leeyahay dhibaatooyinka la ogaaday, burcadda waxay awood u yeelan karaan in ay:

  • Waxay sameyn karaan inay dib u racaan Tariikhda GPS ka baabuurkaaga, taasoo micnaheedu yahay in ay arki karaan meelihii aad horay u mari jirtay.
  • Waxay dhageysan karaan dhamaan wada hadaladii Telefoonkaaga ee aad ku sameysay Baabuurkaaga gudihiisa, waa hadii Telefoon ka aad ku xiran jirtay Bluetooth ka baabuurkaaga.
  • Waxay kaloo si fudud u heli karaan dhamaan liiska xiriirada Telefoonkaaga {Contacts}.

Maxaad sameyn kartaa si aad iskaga ilaaliso?

  1. La soco wararka shirkadda baabuurkaaga, Mararka qaar shirkaduhu waxay soo saaraan cusboonaysiin (update) amni oo lagu xiro daldalooladaas.
  2. Haddii baabuurkaagu yahay nooc casri ah oo leh internet iyo Bluetooth, hubi in software kiisu uu yahay kii ugu dambeeyay.
  3. Ha isku xirin telefoonkaaga iyo Bluetooth Ka Baabuurkaaga haddii aadan hubin amniga nidaamka {System} ka baabuurkaaga.
  4. La xiriir adeeg bixiyaha (dealership) ka shirkadda baabuurkaaga si aad u ogaato haddii baabuurkaagu uu ku jiro kuwa ay khatartu saameyneyso.


Baabuurta casriga ah waxay leeyihiin adeegyo badan oo fududeynaya nolosha, laakiin sidoo kale waxay u nugul yihiin weerarro dhanka internetka ah. Waa muhiim in la feejignaado oo la raaco talooyinka amniga si aan macluumaadkeena loo xadin.

π•Šπ• π•žπ•’π•π•šπ•€π•šπ••π• π•£.π•”π• π•ž π•œπ•’π•π•’ 𝕀𝕠𝕔𝕠 π•¨π•’π•£π•’π•£π•œπ•šπ•š π•¦π•˜π•¦ π••π•’π•žπ•“π•–π•–π•ͺ𝕒π•ͺ 𝕖𝕖 π•‹π•šπ•œπ•Ÿπ• π• π•π• π•›π•šπ•ͺ𝕒𝕕𝕕𝕒.

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Tuuganimo Miyaad Bilowday?

Scroll to Top