Shirkadda teknoolojiyadda ee Huawei ee laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa qaaday tallaabo cusub oo ujeedkeedu yahay in ay ka noqoto hoggaamiye caalami ah dhinaca caqliga macmalka ah (AI).
Waxay shirkaddu dhawaan si xor ah ugu furtay bulshada laba ka mid ah moodalladeeda caqliga macmalka ah ee lagu magacaabo Pangu, iyo sidoo kale qaybo ka mid ah farsamadeeda xallinta xogaha.
Falanqeeyayaal arrimaha teknolojiyadda ku xeel dheer ayaa aaminsan in Huawei ay sidaas ku doonayso in ay dhisto nidaam caalami ah oo AI ah, kaas oo si buuxda ugu tiirsan chip-yadeeda u gaar ah ee loo yaqaan Ascend.
Tani waxay qeyb ka tahay dadaal ballaaran oo ay shirkaddu ku wajahdo culeysyada ka imaanaya cunaqabateynta ay Maraykanku kusoo rogeen Shiinaha, gaar ahaan xayiraadaha la xiriira chip-yada horumarsan ee teknoolajiyadda AI-da lagu isticmaalo.
Isticmaalka il furan (open source) waxa uu Huawei u sahlayaa in ay ku xirnaato horumariyeyaasha teknoolajiyadda ee dunida, gaar ahaan kuwa ku sugan waddamada soo koraya, wadamadaas oo ay ku adagtahay inay isticmalaan AI yada qaaliga ah sidaa daradeed marka shirkaddu si xor ah u bixiso agabkeeda AI, waxay sidoo kale fursad u helaysaa in ay horumarto oo ay la jaanqaado baahiyaha tiknoolajiyadeed ee caalamka.
Tallaabadani waxa ay Huawei siin kartaa awood ay si buuxda ugu maamusho dhammaan nidaamka AI – laga bilaabo abuurista chip-yada, ilaa horumarinta software-ka. Intaa waxaa dheer, waxa ay sidoo kale suurto gal ka dhigeysaa in dadku u janjeeraan isticmaalka alaabooyin kale oo shirkaddu samayso.
Dowladda Shiinaha ayaa la rumeysan yahay inay si buuxda u taageereyso dadaallada ay wado shirkada Huawei, iyadoo u aragta shirkaddan inay tahay mid muhiim u ah horumarka qaranka ee dhanka teknoolajiyadda, gaar ahaan marka la eego tartanka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya Shiinaha iyo Maraykanka.