Muqaalkan waxaad ku baran doontaa Sida Google looga saaro maclumaadkaaga shaqsiyadeed, sida magacaaga Email kaaga iyo Telefoon number kaaga.
Waxaa jira website yo badan oo lagu qoro maclumaadka qofka gaar ahaan sida Adress kiisa ama telefoonkiisa, macluumaad kaas oo qof kasta markuu internerka ka raadiyo si fudud u heli karo, marka hadii aad doonayso in aan lagaa soo helin Google, xalku waa mid fudud.
Waxaad dacwad ka gudbin kartaa website kii xogtaada daabacay adoo dacwadaas u gudbinaya shirkada Google kana codsanaya inay xogtaada ka saaran website ka Google, ogsoonow Shirkada Google xogtaada kama saari karto gabi ahaan website kii lagu daabacay balse waxay website kaas u diidaysaa inuu kasoo muuqdo Google.
Waana fursad weyn oo kuu sahlaysa in aan lagaa helin Internetka madaaba website yadaas aan dadku wada aqoon oo meesha ugu horeeya ee xogtaada laga raadin doonaa ay tahay Google.