Shirkada caan ka ku ah cilmi baarista iyo horumarinta Caqliga Macmalka ah ee Google DeepMind ayaa soo bandhigtay laba nooc oo cusub oo Artificial intelligence (AI) ah kuwaas oo u shaqaynaya sidii dadka oo kale, ama qaban kara qaar ka mid ah howl maal meed ka aynu maalin kasta qabano.
Labadan nooc ayaa kala ah Gemini Robotics iyo Gemini Robotics-ER. waxayna labaduba is ticmalaan nooca caqliga macmalka ah ee Gemini 2.0 oo ah AI ga ugu awooda badan kaas oo shirkada Google DeepMind, soo saartay Bishii December 11 sanadkii 2024.
Labadan moodal ee cusub ayaa waxay leeyihiin horumarin la taaban karo marka la barbar dhigo noocyadii hore, waxana lagu tijaabiyey inay kala socaan maacuun ama alaab kala duwan iyo sidoo kale Khudaar kala duwan, tijaabadaasina waxay noqotay mid ay ka soo bexeen.
Sida ay Google sheegtay, robots-ka ku shaqeeya Artificial intelligence (AI) waa inay buuxiyaan saddex shuruudood oo muhiim ah: 1} Waa inay noqdaan kuwo karti badan si ay ula jaan qaadi karaan deegaano kala duwan. 2} Waa inay noqdaan kuwo la falgeli kara oo fahmi kara amarrada. 3} Waa inay noqdaan kuwo dhaqsiyo badan si ay u fuliyaan dhaqdhaqaaqyo sax ah sida dhaqaaqa faraha iyo gacmaha ee dadka oo kale.
Ugu dambeyn labadan nooc ee shirkada Google DeepMind soo bandhigtay ayaa ah kuwo qabtay howlo aad u adag sida inay kala sooceen Khudaar kala duwan oo ay ku kala gureen weelal yaryar sidoo kale waxay xireen Jiinyeer iyo xargaha kabaha taas oo ka dhigan in meel fiican laga gaaray Caqliga Macmalka ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee Teknolojiyadda kala soco shabakadan Somalisidor.com